|
Boosaaso, (insidesomalia.org)- Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay ay wadaan baaritaan hoose oo lagu baarayo warar laga helay Haya'daha samafalka ee ka shaqeeya Puntland kaas oo sheegaya in uu arrimo iska hokeena uu ka shaqeey Mid kamid ah Isimada Puntland oo lagu magacaabo Suldaan Cadisalaan Xaaji Axmed Nuur.
Warbixintaan oo si hoose looga helay Wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa waxaa maamulka Puntland uu doonayaa in si Taxadarleh loo baaro oo la cadeeyo arrimahaas waxa ka jira si ay u qaadaan talaabo ku aadan danbiga la galay.
Suldaanka oo u shaqeeya Hay'ada DRC ee Dowladda Danmark Guddiga u qaabilsan Qaxootiga ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in uu Suldaanku lug ku leeyahay Bixinta warar aan u fiicnayn in uu dhexgalo Qof Isim ah, isla markaasna waxaa Suldaanka lagu eedaynayaa in uu ka shaqeeyey kala goynta Maamulka Puntland oo shir dhawaan ay isimada Reer Sool ay ku qabsadeen Tuulada Tukaraq taas oo uu Suldaanku lacag uga soo qaaday hay'ada DRC oo laga dhaadhiciyey inay rabaan in ay kaga go'aan Puntland inteeda kale.
Waxaa kaloo Wasaaradda Amaanka ee Puntland ay u sheegtay Madaxtooyada Puntland in Suldaanku uu Puntland marar badan ka dhexsameeyey arrimo ka dhan ah wadajirka ummada reer Puntland iyo isagoo ka mid ahaa Taageerayaashii Maxkamada.
Hadii wararkaani ay cadaan waayaan oo ay been noqoto waxyaalaha lagu eedaynayo Suldaanka ayaa waxay noqonaysaa in ay jiraan kooxo doonaya inay iska hor keenaan oo jecel inay shido ka dhex Abuuraan Dadka shacabka ah, Isimida iyo Dowlada Puntland, taas oo u baahan in tilaabo laga qaado cidii ka danbaysay, hadii ay beenoobaan hadalada lagu eedaynayo Suldaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Nuur.
|